/1/ Fasaxyada Xagaaga iyo Deegaan Xagaaga 2015 Waxa ku cusub sannadkaan! Laga billaabo deegaanka sannadka 1aad! /2/ Kusoo dhawoow deegaan xagaaga! Ujeeddadeenu waa in aynu kuusoo bandhigno deegaan xagaa wacan islamarkaasna leh farxad iyo kahelitaan aan caadi ahayn. Buuggyarahaan waxaa ku yaala tiro baddan oo deegaan xagaaga caruurta ah islamarkaasna doorasho muddan. Dhammaan deeganadaan waxay dhaqan ahaan u leeyihiin dadaal diirad saar, dadaalkaas oo macnahiisu yahay adeeg xagaa raaxo leh sida, qubeysashada iyo hawlo kale oo xiriir la leh-biyaha, iyo tartan ciyaaro kale. Qaar kamid ah deeganadaan waxay sidoo kale bixiyaan adeegyo gaar ah. In baddan oo adeegyadaas ku saabsan waxaad ka heli kartaa buuggyarahaan. Ama booqo boggaan intarnatka www.stockholm.se/kollo meeshaan oo aad sidoo kale sitoos ah uga dalban kartid. Dhabtii waxayba ahayd in hore loogu tabaabusheysto qorshe xagaaga – arinkuna wuu ka dhakhso baddan yahay sida aad u malayneyso! Buuggyaraha deegaan xagaaga sannadkaan wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada madadaalo, dhacdooyin xagaa xiiso leh. Deegaanku waa fursad leh kasbasho waayo aragnimo cusub, aqoon cusub iyo samaysasho saaxiibo cusub. Waxaa jira deegaano baddan oo kala duduwan islamarkaasna doorasho muddan, marka iska hubi, kana dooro midka ku haboon adiga iyo caruurtaada. Dhammaan deeganadaan waxaa caado dhaqan u ah, in caruurta iyo da`yarta yar-yar ee dhalinyarada ahi ay inta baddan ka qayb qaataan adeeg xagaa kala duduwan sida qubeysashada iyo hawlo kale oo xiriir la leh-biyaha, socdaalo banaan bixid ah, ciyaaro, iyo tartamo ciyaareed kale. Qaar kamid ah deeganadaan waxay sidoo kale leeyihiin adeegyo qaas/ gaar ah, laakiin inta baddan waqtiga degaanka waxaa lagu bixiyaa adeeg dhaqan xiriirka la leh. Booqashooyinka deegaanka waa inta u dhaxeysa 7 iyo 14 maalmood. Si aad u ogaato in ilmahaaga helay deegaan xagaa hormarsan, muhiim ayay tahay in aad ayada ama asaga ku caawisid in uu kala doorto doorashooyinka kala duduwan ee lasoo bandhigo. Adiga ayaa sifiican u garanaya ilmahaaga, waxaadna ogtahay waxa asaga ama ayada u fiican. Su'aalaha muhiimka waa: Hadda ka hor ilmahaaga madegay meel kafog guriga? Mase yahay ilmahaaga mid ku faraxsan lajoogida kooxaha yar-yar? Waa kuwee koox da' yarta ku haboon in ay ahaadaan deegaanka? Haddii aadan hubbin in uu ilmahaagu ku raaxaysan doono ka fogaanshaha guriga, way wanaagsan tahay in loo doorto joogitaan gaaban. Qabanqaabiyaha deegaan xagaaga sidoo kale wuxuu caddeyn caafimaad u diri doonaa waalidiinta. Middaan waxay kuu ogolaanaysaa in aad siisid shaqaalaha macluumaad kusaabsan caruurtaada, si loo hubsado in ay hellaan waayo aragnimo deegaan xagaa midda ugu fiican ee ugu suurtogalka ah. Deegaan kasta wuxuu bixinayaa sharaxaad kusaabsan waxa ay qabtaan, waana idinka, waalidiinta iyo caruurta, kuwa doorta waxa aadka idin ku habboon. Marka aad gaartid go'aan ah in aad aadid deegaan iyo taariikhaha ugu fiican, waxaad gashaa/booqataa boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo sitoos ahna uga dalbo. Haddii aad doorbideysid foomka codsiga warqada, waxaad isticmaali kartaa midka lasocda buuggyarahaan. Sidoo kale waxaad mid kasoo qaadan kartaa Guddiga Degmadaada ama xafiiska waadaniyiinta, ama kadaabaco faylka PDF-ga boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo. Codsiyada waxaa khasab ah in lahello Arabacada 8 Abriil ugu dambaysta. Codsadayaasha codsanaya taariikhdaan kadib waxaa bedelkeeda loosoo bandhigi doonaa meelaha harsan. Si aad u ogaato in ilmahaaga uu haysto joogitaan wanaagsan marka loo eego daryeelka iyo daaweynta, aad ayay muhiim u tahay in uu ogaado shaqaalaha deegaan xagaaga waxyaabaha kusaabsan waxkasta oo baahooyin gaar ah oo uu qabbi karo ilmahaaga. Sidaas darteeda fadlan iska hubso in aad u buuxisid si taxadar leh caddeynta caafimaadka, ee uu bixiyey qabanqaabiyaha deegaan xagaaga! Sidoo kale waxaad kasoo dejisan kartaa foomka caddeynta boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo Waxa ku cusub sannadkaan! Laga soo bilaabo deegaan sannadka 1aad! /3/ Kumaa /qofkee u qalma deegaan xagaaga? Caruurta kunool islamarkaasna laga diiwaan geliyay magaalada Stockholm, oona ku jira sannada dugsiyeedka Iswidhishka 1-9. Anaga waxaan sameyn doonaa wax walba oo aynu awoodno si loo buuxiyo codsiyada looga qayb galayo deegaanka ayada oo lala socdo saaxiib. Mayihiin caruurta kuwo ceymis lageliyay? Caruurta iyo da`yarta- dhallinyarada ah ee kaqayb galaya deegaanka waa kuwo laga ceymis geliyay dhinaca ceymiska shilka Magaalada Stockholm, midkaas oo uu bixiyey S:t Erik Försäkring. Wixii macluumaad dheeri ah waxaa laga codsan karaa lambarkaan 08-508 29 926. Yaa masuul ka ah deegaanka? Golayaasha Degmada ayaa ah kuwa masuulka ka ah adeegyada deegaan xagaaga. Ayaga ayaa masuul ka ah baarista iyo kormeerida tayada goobaha. Waa imisa qiimuhu? Golaha Degmada ayaa dejin doona lacagta laga qaadayo waalidka ama waliga tooska xisaabta dawladda hoose. Qiimaha lacagta la bixinayo waxaa go`aaminaya ama xadidaya Golaha Degmada. Jadwalka hoose wuxuu kutusinayaa lacagta laga qaado ilmo kasta maalin kasta. Waxaa jira qiimo dhimis loo sameeyo qoyska haddii uu jiro wax ka baddan hal ilmo oo isla qoyskaas uga qayb galaya deegaanka. Qoysaska ay uga qayb galayaan wax kabadan afar caruur ah deegaanka waxay lacag ka bixiyaan keliya afar caruur ah. Dakhliga bilaha ah ka hor canshuurta (SEK): Qiimaha/maalinta (tirada. caruurta) Haddii uu ilmahaaga katago deegaanka xilli hore ama guriga loo diro, majirto wax lacag ah oo dib loo soo celinayo. Si kastaba, haddii ay xanuunsadaan oona awoodi karin in ay sii joogaan, lacagta loogu talogalay muddada uu ilmuhu xanuunsanyahay waa mid dib loo soo celin doono. Waxaa loo baahnaan doonaa cadayn ka timid dhakhtarka. Tusaalaha 1: Dakhliga guud ee bisha SEK 18,000, ee 3 caruur ah oo loogu talogalay 14 maalmood: 3 x 60 x 14 = SEK 2,520 Tusaalaha 2: Dakhliga guud ee bisha SEK 40,000, ee 1 caruur ah oo loogu talogalay 10 maalmood: 1 x 250 x 10 = SEK 2,500 /4/ Haddii aad u maleyneysid in ilmahaaga uu ugu baahanyahay taageero dheeri ah goobaha deegaan xagaaga, muhiim ayay tahay in aad laxiriirtid Xarunta Xiriirka si aad u ogaato in ilmahaaga uu helay deegaanada midka ugu fiican ee ugu suurtogalka ah. Cinwaanka waxaa laga heli karaa dusha gadaasha buuggyarahaan. Siduu u egyahay hoyga goobta deegaanka? Baddanaa waxaa hal qol isla dega 4-6 caruur ah. Marwalba habeenkii waxaa jira horjooge, midkaas oo jooga dhismaha ay caruurtu deganyihiin, waana asaga midka ay ugu soo laabtaan oo ay weydiiyaan haddii ay xanuunsadaan ama uu qabto jeceyl ah in ay u hiloobeen gurigooda. Qaar kamid ah deegaanada waxay leeyihiin musqulo engegan, fadlan laxiriir deegaankaada wixii ku saabsan macluumaad dheeri ah. Qofwalba wuxuu ka qayb qaadanayaa shaqooyinka guud sida nadiifinta iyo wax karinta. Maxay yihiin qabanqaabooyinka wax cunnida goobta deegaanka? Caruurta waxaa cunto karsan lasiiyaa maalintii seddex jeer: qurac, qado iyo casho, ayada oo ay la jiraan cunto fudud iyo cuntada yar ee lacuno wakhtiga dambe ee fiidka. Fadlan ku war geli deegaanka xilli hore oo suurtogal ah haddii uu ilmahaagu qabbo baahooyin cunto oo xiriir la leh sababo diin ama xasaasiyad uu qabbo darteeda ah, tusaale ahaan. Xeerarka Deegaan kasta wuxuu leeyahay xeerarkiisa khaaska ah, sida waxa lagu sameynayo lacagta jeeb gashiga ah iyo teleefoonada gacanta. Qabanqaabiyaha deegaan xagaaga ayaa ku siin doona macluumaad ku saabsan xeerarka loogu talogalay deegaan kasta inta lagu guda jiro kulamada dhaca bisha Maajo. Adeegyada xagaaga loogu talogalay caruurta naafada ah Deegaan xagaaga iyo hawlaha kale ee xagaaga ee loogu talogalay caruurta naafada ah waxay galaan Sharciga Iswidhishka khuseeya Taageerada iyo Adeega loogu talogalay Dadka Naafada ah Shaqada Gaarka ah (LSS), waxaana laga maamuley dhinaca Maamulka Adeegaha Bulshada. Xiriirka: Bengt Lundgren, teleefoonka 08-508 25 265. Su'aalaha ku saabsan codsiga? Kawac Xarunta Xiriirka lambarkaan 08-508 00 508, doorashada 2. Cinwaanka: eeg gadaasha buuggyaraha. Qaabka naqshadaynta farshaxanka iyo kooxda tifatirka Cecilia Frank, Frank Etc. AB Daabacaada?? Tirada. nuqalada?? Sawirka kore Pernille Tofte/Folio Sawirada dabiiciga ah Cajalada sawirka iyo Linnea Frank, stones Jeanette Woiski Sawirada horudhaca ah Linda MarieLouise (socodka duurka iyo qurxinta masraxa), Jukka Heiskinen/Warqad (leexo), Bo Jansson/Warqad (dekada), Christofer Dracke/Folio (caruurta faraxsan) Sawirada wareysiga iyo dhacdooyinka deegaanka Jeanette Woiski Sawirada deegaan Ka ahaatay qabanqaabiyaasha deegaanka /5/ Sidee loo codsadaa deegaan xagaaga! 1. AQOONSIGA TEESARAHA Si aad ugu codsatid sitoos ah, waxaad u baahnaan doontaa AQOONSIGA teesaraha. Midkaana waxaa laga heli karaa bangigaaga ama xafiiska canshuurta. 2. CODSIGA SI TOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Faah-faahinta xiriirka Codsiyada loogu talogalay deegaan xagaaga waxaa si toos ah loogu sameyn karaa intarnetka bartamaha-Febraayo. Gal/booqo boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo kadibna ka buuxi codsigaaga. Codsiyada waxaa khasab ah in helo Arabacada 8 Abriil ugu dambaysta. Taariikhdaan kadib, keliya waxaa la helayaa goobaha harey. LUUQADAHA Codsiyada waxaa dhici karta in lagu sameeyo 13 luuqadood oo kala duwan. CAAWIMAAD Waxaa jira qaabab baddan oo lagu heli karo caawimaad haddii aad u baahatid. ILMAHA Xusuusnoow in aad gelisid cinwaanka ilmaha lagu diiwaan geliyay. DAKHLIGA Geli/qor dhammaan dakhligaaga qoyska guud ee bilaha ah haddii uu kayaryahay SEK 42,000 canshuurta ka hor, maadaama aad xaq u lahaan doontid dhimid lacag. WELIGA/QOFKA LANOOL Geli/qor dhammaan weliyaasha caruurta haddii ay isla noolyihiin, haddii kale geli/qor weliga sameynaya codsiga ayada oo uu la jiro qofkasta oo la degan ama la nool. /6/ 3. CODSIGA SI TOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Doorashada deegaan iyo muddooyinka Daalaco/daawo gebi ahaanba buuggyaraha kadibna dooro nooca deegaan ee aad doorbideysid in uu ilmahaaga kaqayb galo. Xusuusnoow in ay fikrad wanaagsan tahay in laxadido doorashooyin badan, maadaama qaar kamid ah deegaanada ay yihiin kuwo caan ah oona si dhakhso ah u baaxsamaan. Caruurta badankooda waxay codsadaan boosas deegaan bilowga iyo dhammaadka xagaaga, middaas oo macnaheedu tahay in waqtiyadaan ay yihiin waqtiyada ugu adag in la helo boos. DEEGAAN XAGAAGA Geli xerooyinka deegaanada iyo muddooyinka aad ka fekeri doontid, waxaa wanaagsan illaa afar doorasho oo kala duduwan. WALAALAHA ISLA DHASHA AMA SAAXIIBADA AH Si looga fogaado waxkasta oo wareer keeni kara, waxaan doonaynaa in aynu ogaano lambarka dammaanada bulshada dalka Iswidhishka ee qofkasta oo saaxiibo ama walaalo la ah leeyahay islamarkaasna uu ilmahaagu jeceylyahay in ay u raacaan deegaanka. CODSIYADA WARQADA Haddii aad doorbideysid foomka codsiga warqada, waxaad isticmaali kartaa midka lasocda buuggyarahaan. Foomka waxaa khasab ah in loo diro Xarunta Xiriirka (cinwaanka kuqoran gadaasha buuggyarahaan) waana in lagu helo 8 Abriil ugu dambaysta. Haddii aad ku codsatay warqad, dalabkaaga waxaa lagu diri doonaa boostada caadiga ah. Marka aad hesho, buuxi warqada lagu soo lifaaqay ka dibna kusoo celi Xarunta Xiriirka. /7/ 4. CODSIGA SI TOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Gebagebada Kahor inta aadan soo gudbin codsigaaga, dulmar/ akhri qoraalka warbixinta aad soo bixisey. Hubso in waxkasta ay saxan yihiin kahor inta aadan sii wadin hawsha inteeda kale. HUBINTA Iska hubso in dhammaan faah-faahinta xiriirka cinwaankaada uu yahay mid sax ah, iyo in aad gelisay deeganada saxda ah iyo muddooyinka. Sidoo kale waxaad marxaladaan hubbin kartaa waxa ay ku kici doonto. BEDELASHADA Weli dib ayaad uga laaban kartaa si aad u bedeshid waxkasta oo ku saabsan codsigaaga ama waxaadba burin kartaa dhammaantooda. Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan codsigaaga, fadlan kala xiriir XARUNTA XIRIIRKA lambarkaan 08-508 00 508, doorashada 2. Cinwaanka waxaa laga heli karaa gadaasha buuggyarahaan. /8/ 5. CODSIGA SITOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Xaqiijinta Marka uu codsigaaga dhamaystirmo waxaad xaqiijin degdeg ah ku heli doontaa bogga intarnetka. Sidoo kale waxaa xaqiijin laguugu soo diri doonaa cinwaankaaga ii-maylka. 6. DALABKA Dalab ayaa laguugu soo diri doonaa qaab ii-mayl ah marka laga bilaabo bisha Abriil iyo wixii kadambeeya. Waxaad haysataa 8 maalmood si aad u aqbasho ama udiido dalabka. Haddii aad aqbasho, diiwaan gelintu waxay noqonaysaa mid waajib ah waxaana laguu soo diri doonaa warqad qaansheeg ah oo lagu bixinayo 30 maalmood gudahood. Xusuusnoow in aad diidid haddii aadan awoodin in aad baxdid. Si kadib booska loogu soo bandhigo qofkale. Burinta dhacda kadib marka diiwaan gelinta lawaajibiyo waxaa khasab ah in lagu sameeyo qaab qoraal ah, keliyana waxaa la aqbali doonaa haddii uu ilmahaagu jiranyahay. Middaana waa in lagu xoojiyaa oo ay lasocotaa cadeyn ka ahaatay dhakhtar oo arinta jirada xaqiijinaysa. 7. WARBIXIN KASOCOTA DEEGAANKA Bisha Maajo, deegaanada waxay siin doonaan caruurta iyo waalidiintooda macluumaad kusaabsan deegaan xagaaga ay soo doorteen. Sidoo kale waxaa laguugu soo wargelin doonaa waqtiga iyo meesha safarka deegaan kadhici doono. Muhiim ayay tahay in laga qayb qaato kulamada warbixinada si loola kulmo shaqaalaha iyo saaxiibada deegaan xagaaga, iyo si lagaaga jawaabo su'aalahaaga. 8. GAARIDDA DEEGAANKA! Deegaanada xagaaga ayaa masuul ka ah geynta iyo kasoo celinta caruurta deegaanka. Si wadajir ah ayada oo uu lajiro wakiil ama horjooge ka ahaaday deegaanka, safarka waxaa dhici karta in uu ka ahaado tusaale ahaan dhinaca baska SL ama tababaraha. Qabanqaabiyaha deegaan xagaaga ayaa bixin doona faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan safarada gudaha bisha Maajo. Waxaan rajaynaynaa in aynu helno codsigaaga! /9/ Codsiga loogu talogalay deegaan xagaaga 2015 Laab foomka kadibna kudar lacagta boostada. Hal codsi ilmo kasta. Haddii aad jeceshahay in aad codsatid boosas loogu talogalay caruur baddan, nuqul kasamee foomka ama kasoo degso boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo. Codsiyada waxaa khasab ah in ay gaaraan Xarunta Xiriirka marka ay tahay taariikhdu 8 Abriil ugu dambaysta! 1. FAAH-FAAHINTA ILMAHA Warbixinta waa in ay waafaqsantahay cinwaanka ilmaha u diiwan gashan Magaca koowaad ee ilmaha Magaca dambe ee ilmaha Cinwaanka guriga Lambarka boostada Lambarka dammaanada bulshada Sannad dugsiyeedka Magaalada Golaha Degmada 2. DARUUFAHA QOYSKA Lacagta waa mid ku dhisan dakhliga guud ee qoyska ee ilmaha cinwaankiisa la diiwaan geliyay. Anigu waxaan ahay waalid keli ah Anigu waxaan ahay qof lala noolyahay Dakhliga guud ee qoyska bil kasta (ka hor canshuurta): Wax ka badan SEK 42,001. Aniga/anaga waxaan ogolaanay lacagta ugu baddan. SEK 42,000 ama kayar. FIIRO GAAR AH! Dakhliga waa khasab in la cadeeyo si looga fogaado lacagta ugu baddan: Weliga 1 Lambarka dammaanada bulshada Magaca koowaad iyo magaca dambe Teleefoonka Teleefoonka gacanta Cinwaanka ii-maylka Weliga 2/Qofka lanool Lambarka dammaanada bulshada Magaca koowaad iyo magaca dambe Teleefoonka Teleefoonka gacanta Cinwaanka ii-maylka 3. DOORASHADA DEEGAAN XAGAAGA Geli deeganada aad doorbideysid. Waxaa wanaagsan in aad xadidid doorashooyin baddan oo kala duduwan. 1. Deegaan xagaaga Muddada 2. Deegaanxagaaga Muddada 3. Deegaan xagaaga Muddada 4. Deegaan xagaaga Muddada Lambarada dammaanada bulshada ee midkasta oo kamid ah walaalaha ama saaxiibada ilmahaaga uu jeceylyahay in ay raacaan (FIIRO GAAR AH! Lambarada dammaanada bulshada oo buuxa waa in labixiyaa): FIIRO GAAR AH! Haddii aad u malaysid in uu ilmahaagu ugu baahanyahay taageero dheeri ah deegaan xagaaga, fadlan kala xiriir Xarunta Xiriirka (teleefoonka 08-508 00 508, doorashada 2, ama ii-mayl: kollo@stockholm.se). Waxay kugu caawin doonaan in aad hubsatid in ilmahaaga uu qabo joogitaan midka ugu fiican ee ugu suurtogalka ah. /10/ 4. XAQIIJINTA IYO SAXIIXA Xaalada lammaanaha isqaba/isla nool ee qaba caruur, foomka waxaa khasab ah in laga sixiixo labadda dhinacba. Xaalada xiriirka la isla noolyahay, waalidka/weliga waa in ay kuwargeliyaan qofka lala noolyahay waxa kuqoran foomka oona xaqiijiyo macluumaada khuseysa dhammaan. Warbixinta labixiyey waxaa loola dhaqmi doonaa si waafaqsan Qaanuunka Xog Shakhsiyeed ee Iswidhishka. Aniga/anaga waxaan xaqiijinaynaa in warbixinta lagu sheegay foomka ay tahay mid sax ah. Aniga/anaga waxaan ogolnahay baaritaanada ay sameyso wakaalada ceymiska bulshada Iswidhishka, xafiiska shaqaalaynta iyo maamulka canshuurta. TAARIIKHDA SAXIIXA TAARIIKHDA SAXIIXA FIIRO GAAR AH! Codsiyada waxaa khasab ah in ay gaaraan Xarunta Xiriirka marka ay tahay taariikhdu 8 Abriil ugu dambaysta! Su'aalaha? Xarunta Xiriirka, teleefoonka 08-508 00 508, doorashada 2. Lacagta boostada Xarunta Xiriirka Stockholm Sanduuqa boostada 6061 164 06 Kista /11/ Maxay tahay in la ahaado deegaan xagaaga? Ka akhri halkan fikradaha dadka kale ee ku saabsan deegaan xagaagooda! Kevin Nadine Hugo Ellinor Samuel Kevin, 13 Sidee kuu ahaa adiga deegaankaada? Seddex jeer ayaan aaday, labbo xero oo kaladuwan, waxaana doonayaa in aan sii wado intiiba ay suurtogaltahay. Waxaan maqlay deegaanka arintiisa markii ay yimaadeen dugsigeena qaar kamid ah horjoogayaasha si ay uga hadlaan. Markii ugu horeysay waxaan aaday keligayga, laakiin markaasi wixii kadambeeyay waxaan labaxey saaxiibo aan kula kulmay deegaanka sannadkii hore. Maxaad kusamaysay deegaanka? Waa in aad aragtaa oona kusameysaa deegaanka waxyaabo baddan. Waxaan kusameeyay waxyaabo aanan kusamaynin guriga. Waxaaad noqonaysaa qof wax soo saar leh mana ahaanaysid qof kawel-wela dalabyada maalin kasta ah. Xitaa waxaan ku haysanay deegaanka Qanacsanaan. Wax kasta way wanaagsanyihiin waxaadna noqon kartaa wax kasta oo aad doonaysid, waa mid la ogolyahay. Dhib malahan in caruur la ahaado ama loo dhaqmo qaab caruurnimo, waxaadna ogaanaysaa in ay madadaalo tahay oo ay xiiso leedahay in markale la ciyaaro. Adiga waxaad aaday deegaan filim, sidee ahayd? Waxaan bartay wax baddan oo filimka ku saabsan, waxaan qorney qoraalada filimka waxaana sameynay dhowr filim duubis ah. Khasab kuguma ahan in aad leedahay waayo aragnimo, waxaad noqon kartaa qof bilow ah. Sidoo kale waxay ahayd mid lamid ah deegaan caadi ah, dibbada ayaan inbaddan aadnay waxaana sameynay waxyaabo dibbadeed. Sideed usoo koobeysaa waayo aragnimada aad ka heshay deegaankaada? Saaxiibo cusub, kaneeco, qorax, filim, madadaalo horjoogayaasha deegaanka. Ama horjoogayaal yaab leh, laakiin u ah qaab wanaagsan, oo madadaalo leh. Waxay ahaayeen kuwo cajiib ah, laakiin shaki la'aan waalan. /12/ Nadine, 11 Sidee ahayd in aad aado deegaan xagaaga? Waxaan kusaarnayn baska ku dhowaadkii 50 caruur ah. Ma u malaynayn in aan garanayo midna laakiin waxaa ku jirey mid deriskayga ah iyo gabar isku fasal nahay, laakiin waxaan kala degnay qolal kala duwan. Sideed kudooratay deegaan xagaaga? Waxaan iskudayay in aan helo mid ku habboon da'dayda iyo xiisahayga aan xiiseeyo xayawaanka. Ma awoodin in aan u tago qaarkooda sababtoo ah aad ayaan u yaraa. Sidee ahayd meesha deegaanka? Waxaan meesha joogay siddeed maalmood waxayna ahayd middaasi mid sax ah maadaama ay ahayd markii iigu horeysay. Keliya waxaan ahaan karey xero maalin kahor inta aanan u baran in aan seexdo guriga dibadiisa, ama meel kafog guriga. Waxaan dareemay xoogaa hiloow guriga ah subixii, laakiin kadib markii aynu quracnay marlabaad waxay ahayd mid madadaalo leh waxaana sameynay dhammaan wax walba oo hawl ah maalintii oo dhan. Gabdhaha kujirey qolkayga waxay ahaayeen kuwo wanaagsan wayna i caawiyeen markii aan dareemay xoogaa murug ah. Sidoo kale waxaa la ii ogolaaday in aan waco guriga xoogaa inbaddan. Sidee ayay ahaayeen caruurta kale? Inbaddan oo ayaga kamid ah waxay ahaayeen kuwo aan isku da' nahay. Qaar waxay ahaayeen 13 ama 14, kuwa ugu waaweyn. Waxaa la inoo qaybiyay kooxo isku da' ah. Way wanaagsanayd in lagu jiro kooxaha yar-yar si aad marka hore u baratid caruurtaan. Muxuu ahaa shayga ugu fiican? Waxaan jeclaa in aan aado biyaha, sidoo kale waxaan samaynay doon waddid. Waxaa khasab kugu ah in aad marka hore samaysid imtixaan dabaasha ah, haddii aad ku baastidna waxaad waddi kartaa doon yar oo adiga gaar kuu ah. Hugo, 10 Maxaad u aaday deegaan xagaaga? Hooyo iyo ayeeyo ayaa igu dhaheen deeganku waa meel fiican oo madadaalo leh sidaas darteedana waxa haboon in aan baxo. Markii hore ma ahayn mid arintaas ogaa, laakiin wiil aan ilmo adeer nahay ayaa hadda kahor meesha tagay wuxuuna ii sheegay in uu jeclaaday, sidaas darteeda waxaan kufikirey in aan tago. Maxaad ku samaysay deegaanka? Koorsada fuulida buuraha-dhaadheer wuxuu ahaa mid fiican, laakiin Anigu ma ahayn geesi si aan ugu dhiirado sameynta arintaas. Iyo socodka jinniga. Waxaa khasab nagu ahaa in aynu daba socono raad wareegsan habbeenka bartiisa. Waxaan u baxnay kooxo uu lasocdo horjooge, laakiin khasab kuguma ahan in aad aadid haddii aadan doonayn middaas. Sanduukha madoow sidoo kale wuxuu ahaa mid madadaalo leh. Gebi ahaanba waa qol mugdi ah. Laba ama saddex naga mid ah ayaa isku waqti tagaya, anagana waxaa khasab nagu ah in aynu taataabano dhinacyada ayada oo mugdina lagu jiro si aynu u helno meel aynu ka baxno. Mararka qaar waxaan hawlo waaweyn la sameynaa deegaan kale waxaana ciyaarnaa kubadda cagta waxaana sameynaa xoogaa wax dubid ah. Sidoo kale way ficnayd in ay meesha joogeen dad badan, Mana u malaynayn markii hore in aan jeclaanayo. Soo-kicida waxay ahayd mid fiican. Horjoogayaasha waxay imaanayaan ayaga oo ciyaaraya muusik cod sare ah, mararka qaarna way labisan jireen waxayna haleynayaan goobta. Muxuu ahaa shayga ugu madadaalada baddan ee kadhaca deegaanka? Waxa ugu fiican deegaanka waa in ay jirto marwalba wax madadaalo ah oo la samaynayo. Marwalba adiga waxaa kula jooga saaxiibo, dhabtiina aad ayay murug u ahayd in marlabaad guriga lagu soo laabto. Ellinor, 11 Siduu ahaa deegaan xagaagaada? Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan aado/tago deegaanka. Saaxiibkayga, midkaas oo aan weligiisa tagin deegaanka, ayaa i weydiiyay haddii aan rabo in aan aado/tago. Waxaan hooyaday la daawaday dhowr filim oo ka mid ah deegaanka sidaas darteeda xoogaa waxaan ahaa diyaar, laakiin weli waxaan dareemayay xoogaa wel-wel ah ka hor inta aanan bixin. Anigu ma ogayn in ay meesha xera deegaanka jiri doonto waxyaabo baddan oo madadaalo leh. /13/ Sidee ahayd in loo safro deegaanka? Way fiicnayd in lala kulmo horjoogayaasha. Waxay nagu sugayeen baska agtiisa sidaas darteeda isla markii ayaanba isbaranay. Qolkeena waxaa kujirey lix gabdhood, laakiin sidoo kale waxaa jirey qolal loogu talogalay wiilasha. Waxaan ku seexanay sariiro is dul-saaran. Aniga iyo saaxiibtey waxaan isla joognay isla qol, middaasna waxaan ku codsanay foomka dalabka. Sidoo kale waxaan u bixi karey si fudud keligayga, caruurta aan la socon saaxiib sidoo kale waxay qaadanayeen waqti fiican. Waxaan ahayn kuwo iska wada warqaba qofkastana wuxuu saaxiibo la ahaa qof kale. Waxaan saaxiibo ku samaysanay si dhakhso ah, waana qosolnay isla daqiiqadii aynu meesha tagnayba. Maxaad samayseen inta lagu guda jirey maalinta? Waxaan sameyn karnay wax walba oo aynu rabney. Waxaan ciyaarnay turub, waxaan ku seexanay leexada, waxaan sameynay ciyaarta boodboodida, waxaan aadnay biyaha, waxaana ku baxnay doomo. Banaanka ayaan in badan aadnay. Waxaad sameynaysaa wax badan inta lagu guda jiro maalinta middaas oo kaa dhigta in aad hurdo ladhacdid. Subax kasta waxaan nadiifinaa qolkeena, mararka qaarna waxaan ku caawinaa dhaqida. Maalin waxaan aadnay socod dibadda ah banaanka ayaana soo seexanay. Meesha waxaad ku aadi kartaa cagtaada laakiin anaga waxaan ku baxnay doon yar. Waad dooran kartaa haddii aad jeceshahay in aad seexatid gudaha teendho ama dhulka xidigaha hoostooda. Caadi ma ahayd in aad ka fogtahay guriga? Haddii hooyo iyo aabo ay meesha joogi lahaayeen marabi lahayn in aan baxo, way wanaagsanayd in aan ahaa xoogaa ayaga la'aantooda. Sannadka soo socda waxaan rabaa in aado isla meeshii, aniga oo lasocda isla saaxiibadii. Muxuu ahaa shayga ugu fiican deegaanka? Shayga ugu fiican wuxuu ahaa saaxiibada, qosolka iyo dibbad aadida aynu sameynay. Wax kasta waxay ahaayeen kuwo wanaagsan! Samuel, 15 Wax nooga sheeg deegaanka! Xagaagii lasoo dhaafay wuxuu ii ahaa midkii shannaad ee aan aado, waxaana afar ii ahayd isla meeshii aan hore u tagay. Markii iigu horeysay ee aan deegaan aado waxaan jirey 10 sanno. Waxaan buuggyaraha deegaanka kuhelay tooska boostada mana ogayn wax badan oo ayada kusaabsan. Waxaan daalacay oo aan dulmarey buugyaraha waxaana ii muuqatay in ay fiicantahay. Anigu maheysan saaxiibo aan raaco sidaas darteeda keligayga ayaan baxay markii iigu horeysay. Maxaad samayseen inta lagu guda jirey maalinta? Maalintii waxaan qaban jirney laba ama saddex hawlood. Mararka qaar waxaan doon u wadanaa jasiirad dhow, keliya maalintaas. Sidoo kale waxaan laba -habeen aadnay dibada, meeshaas oo caadi ahaan deeganada kale ay joogaan hal habeen. Sannadkii lasoo dhaafay waxaa aad u da'ay roob inta lagu guda jirey markii aynu dibada ku maqnayn taas oo nagu khasabtay in aynu dib usoo laabano. Wax kasta waxay noqdeen qoyan anagana waxaa aad noo qabtay qaboow, laakiin waan jeclaaday! Aniga waxaan qabey dhar biyaha celiya sidaas darteeda waxaan doonayay in aan dibada sii joogo. Dibad bixida waa mid kamid ah waxyaabaha ugu fiican deeganka. Maalmaha lagu jiro deegaanka waa maalmaha ugu fiican sannadka oo dhan! Anaga kuma haysan deegaanka teleefoono gacan laakiin waan wici karnay guriga maalin kasta haddii aynu sidaas doono. Laakiin waxay ila ahayd in ay meesha jireen waxyaabo fiican oo badan oo mudan in lasameeyo. Xagaagii lasoo dhaafay keliya waxaan wacay guriga saddex ama afar jeer, inta baddan si aan qoyska ula socdo oo keliya. Waxyaabo badan ayaa ka dhaca deegaanka mana doonaynin in aan ilaawo kahor inta aan u sheegin ayaga. Muxuu ahaa shayga ugu fiican deegaanka? Shayga ugu fiican deegaanka wuxuu ahaa in ay jirtey waxyaabo badan oo lasameeyo, qofkasta wuxuu haystaa waxyaabo uu sameeyo. Keliya samee adiga! Waa waayo aragnimo wanaagsan waxaadna ku samaysanaysaa saaxiibo cusub. Waxaad ahaanaysaa adiga nafsadaada, waxaana jira dareen xoogan oo bulshada ah. Sidoo kale waa wax wanaagsan in fasax gaaban laga qaato nolosha magaalada. /14–15/ Ujeeddada Sannad dugsiyeedka Tirada.caruurta Hoyga Meesha/goobta Qabanqaabiyaha Mudada Tirada.maalmaha Juun Luulyo Agoosto Akka Isku raran 6-9 35 Teendhooyinka Värmland, oo qiyaas ahaan. 300 km u jirta Stockholm Utepedagogik Sverige AB Backis Muusikada 7-9 36 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Bergängen Da` yarta - dhallinyarada ah 1-3 30 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Björkbacken Da` yarta- dhallinyarada ah 1-3 30 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag DjuprämmenDeegaan Biyaha, da` yarta- dhallinyarada ah 6-9 50 3-6 ayaa ah qolal Värmland, oo qiyaas ahaan. 300 km u jirta Stockholm Utepedagogik Sverige AB Granbo Riwaayad 6-9 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Granliden Dhaqan ahaan 2-6 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Granvik Filim 5-8 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Granö Gård Masraxa 3-6 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Ivarsudde Dhaqan ahaan 1-9 44 2-8 ayaa ah qolal Vätö, waqooyiga-bari ee Norrtälje Stiftelsen Birkagården Lidängen Dhaqan ahaan 3-6 30 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Deegaan Bad maaxida Rånö Bad maaxid 6-9 26 Qolalka hurdada Koonfurta Stockholm archipelago Arbacia AB S/Y Ellen Bad maaxida doon xamuul yar 4-9 27 Doonta dusheeda Stockholm archipelago S/Y Ellen Skeppsholmsgården Bad maaxida doon xamuul yar 5-9 16 Doomaha dushooda Stockholm archipelago Föreningen Skeppsholmsgården Solgården Dhaqan ahaan 4-7 50 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Solvik Socdaal hawl/shaqo 3-6 50 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Starrbacken Dhaqan ahaan 7-9 35 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Xeebta Dhaqan ahaan 3-6 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Strandhem Dhaqan ahaan 3-6 48 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Stugorna Xayawaanka 2-6 45 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Synsholmen Dhaqan ahaan 1-7 38 Qolalka hurdada Dusha jasiirada kutaala St Anna archipelago Synsholmens Kolloförening Sörvik Ciyaar 4-7 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Sörängen Kubadda cagta 4-7 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Udden Deegaan biyaha, da` yarta3-6 40 3-5 ayaa ah qolal Värmland, oo qiyaas ahaan. 300 km u jirta Stockholm Utepedagogik Sverige AB Uddis Muusikada 4-6 36 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag Östergården Biyaha 6-9 40 Qolalka hurdada Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm Stiftelsen Barnens Dag /16/ Halkeen joognaa anaga Khariidadaan waxay tusinaysaa halka ay ku yaalaan deeganada xagaaga. Sharraxaad faahfaahsan ayaa lagu bixiyay bogg kasta oo buuggyaraha deegaanka kamid ah. Labadii bogg ee hore waxaa ku qornaa wax kasta oo aad uga baahantahay in aad ka ogaatid sannadahooda', waqtiyada iyo ujeedooyinka loogu talogalay dhammaan deegaanada. /17/ Akka Deegaan isku raranTacaburka Ha moogaan tacaburkaan isku rarankan aan caadiga ahayn! Inta lagu guda jiro 10-kaaga maalmood ee aad joogtid Deegaan Isku raranka Värmland waxaad kaqayb qaadan doontaa waxyaabo aadan weligaaga hore usoo marin. Doon in aad ku waddid waddooyinka doonta cajiibka ah ee Värmland, dhistid huuri ka dibna ku bad maaxdid webbiga, baratid sida wax loogu kariyo dab kor ka furan, kaluumeysatid, dheeshid ciyaaro, ciyaartid kubadda gacanta doonida iyo in aad sameysid wax baddan oo kale. Fiidka anaga oo dhan waan isku soo aruurnaa waxaana isugu tagnaa hareeraha meesha dabka deegaanka si aynu u nasano, u sheegno sheekooyin iyo dabcan u heesno. Habeenkii waxaan ku qaadanaa gudaha teendhada, ama dhulka xidigaha hoostooda haddii aad middaasi ku dhiiratid in aad samaysid... Mid yar oo marti ah wuxuu yiri: “Weligayga uma malaynayn in aan sameyn doono waxa aynu sameynay. Weligayga inta aan noolahay waan xusuusnaan doonaa.” Adiga ra'iyi ayaad ku leedahay sida loo qaabeeyo maalinta ka dhacda Deegaan Isku raranka Värmland, si wadajir ahna waxaan u samaynaynaa isku rarankaada tacaburkaaga ama is tijaabintaada ugu fiican noloshaada. Haddii aad jeceshahay in aad ogaatid wax baddan, ka fiiri boggeena intarnetka. Akka Sannad dugsiyeedka 6-9 Tirada.caruurta 35 Hoyga Teendhooyinka, qiyaastii. mid kasta 10-15 qof, wiilasha iyo gabdhaha waxay u seexdaan si kala gooni ah. Mudada 11.6 – 20.6 10 maalmood 21.6 – 30.6 10 maalmood 1.7 – 10.7 10 maalmood 11.7 – 20.7 10 maalmood 21.7 – 30.7 10 maalmood 31.7 – 9.8 10 maalmood 10.8 – 18.8 9 maalmood Xiriirka: Joel Fänge Numbarka deegaan xagaaga 08-652 52 92 info@kollosommar.se www.kollosommar.se Qabanqaabiyaha Utepedagogik Sverige AB Meesha/goobta Xerad Deegaan isku raranka Tacaburka Akka waxay kutaalaa Värmland, qiyaastii.300 km u jirta Stockholm. /18/ Backis Muusik – Barnens Ö Diyaar ma tahay? Haa! Sawiro bal adiga oo lafadhiya dekada saaxiibadaada cusub mid kamid ah fiidka xagaaga kuleylka ah. Codadka giitaarka ama kabanka, kuwo waxay ku heesayaan hees ay ayagu hadda uun la yimaadeen, kuwo kalena waxay xeebta kuqaadanayaan dabaal fiideed gaaban. Xilli hore fiidkaas waxaad lahayd xaflad kadhacday beerta qoskastana wuxuu ahaa mid faraxsan kadib dabaal degaas, farxadaas iyo sacabkaas. Adiga waxaad joogtaa Deegaanka Muusiga Backis! Backis waa deegaanka meesha aynu si wadajir ah ugu sameyno muusikada. Waxaad u wareejin kartaa heesahaaga aad jeceshahay dabool aan caadi ahayn, oona sameysid kooxo, ama ciyaartid samba-konga, dheeshid ciyaarta capoeira, muusigada-punk ama baratid garaacid kaban keli ah. Uma baahnid wax waayo aragnimo hore ah, maadaama aad jeceshahay muusigada! Backis waa meesha ugu fiican ee lagu sameysan karo saaxiibo cusub, lagu abuuran karo xusuuso nolosha ah, oona loogu raaxeysto waqtiyo gaar oo qosol ah, loogu dabaasho looguna dhagaysto. Xagaagaan waxaan kugu arki doonaa dekada! Backis Sannad dugsiyeedka 7-9 Tirada.caruurta 36 Hoyga Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Uddis (36 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 12.6 – 23.6 12 maalmood 26.6 – 7.7 12 maalmood 10.7 – 21.7 12 maalmood 24.7 – 4.8 12 maalmood 7.8 – 18.8 12 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Backis waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha waxayna leedahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /19/ Bergängen Deegaanka Da`yarta – Barnens Ö “Subaxaan markaan soo kacnay, labo horjoogayaal ah ayaa nooyimid ayaga oo u labisan sida bakaylaha iyo geedka boqoshaaga oo kale, waxay ku heeseen wax kasta oo heesaha waalan ah ka dibna bakaylihii qosolka lahaa wuxuu nasiiyey buskud. Maanta waxaan leenahay maalin sheeko!” Bergängen waa deegaan loogu talogalay caruurta yar-yar, ayada oo ku siinaysa waayo aragnimada ugu horeysa ee deegaanka kusaabsan maalmo yar. Waa meel aad ugu haboon walaalaha yar-yarka ah kuwaas oo keliya maqlay waxa ku saabsan dhammaan madadaalada ka dhacaysa deegaan xagaaga. Dhammaan caruurta waxay ku haystaa deegaanka kafaala qaade, dhammaan shaqaalahana waa kuwo aqoon iyo waayo aragnimo hore u leh ladhaqanka iyo lashaqaynta caruurta yar-yarka ah. Meesha Bergängen maalmaha waxaa ka buuxa hawlo farxad leh sida ku ciyaarida biyaha ee xeebteena khaaska/gaarka ah, farshaxano, duur aadid, filim habeenkii ah iyo wax badan oo kale. Ugu dambaysta, caruurta yar-yarka ah ayagana waxay waayo aragnimo u yeelanayaan deegaanka meesha Barnens Ö! Bergängen Sannad dugsiyeedka 1-3 Tirada.caruurta 30 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 13.6 – 18.6 6 maalmood 22.6 – 27.6 6 maalmood 30.6 – 5.7 6 maalmood 8.7 – 17.7 10 maalmood 20.7 – 29.7 10 maalmood 1.8 – 8.8 8 maalmood 11.8 – 18.8 8 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Bergängen waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Xerada Deegaanku waxay ku dhowdahay biyaha waxayna leedahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /20/ Björkbacken Deegaanka Da` yarta – Barnens Ö “Maanta waxaan u socnaa gudaha dhagaxaanta si aynu u raadino xayawaanada kujira badda! Geedaha waxaa kabuuxa canab waana soo goosan doonaa marka aynu waddada kusoo socono waxaana sameysan doonaa bur canab kasameysan fiidka marka aynu daawanayno filimka!” Caruurtu waxay aad ugu baahanyihiin in ay socdaan, in ay socod u aadaan dhinaca badda. Björkbacken waxay kusiinaysaa caruurta yar-yarka ah waayo aragnimada ugu horeysa ee deegaanka ku saabsan maalmo yar. Waa meel aad ugu haboon walaalaha yar-yarka ah kuwaas oo keliya maqlay waxa ku saabsan dhammaan madadaalada ka dhacaysa deegaan xagaaga. Dhammaan caruurta waxay ku haystaa deegaan kafaala qaada, dhammaan shaqaalahana waa kuwo aqoon iyo waayo aragnimo hore u leh la dhaqanka iyo lashaqaynta caruurta yar-yarka ah. Meesha Björkbacken maalmaha waxaa ka buuxa hawlo farxad leh sida ku ciyaarida biyaha ee xeebteena yar ee khaaska/gaarka ah, farshaxano, duur aadid, filim habeenkii ah iyo wax badan oo kale. Ugu dambaysta, caruurta yar-yarka ah ayagana waxay waayo aragnimo u yeelanayaan deegaan meesha Barnens Ö! Björkbacken Sannad dugsiyeedka 1-3 Tirada.caruurta 30 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 13.6 – 18.6 6 maalmood 22.6 – 27.6 6 maalmood 30.6 – 5.7 6 maalmood 8.7 – 17.7 10 maalmood 20.7 – 29.7 10 maalmood 1.8 – 8.8 8 maalmood 11.8 – 18.8 8 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Björkbacken waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna u jiraa keliya masaafo socod ah meesha lagu qubeysto. /21/ Djuprämmen Deegaan Biyaha, da` yarta- dhallinyarada ah Waxaad timaadaa Djuprämmen, deegaan xagaaga loogu talogalay da` yarta- midkaas oo kabuuxa hawlo waxqabad-baddan. Deegaan Biyaha Djuprämmen wuxuu kutaalaa war weyn oo u eg-muraayad. Waxaan fuulnaa doomo anaga oo wadana rooti iyo moos doomahaas oo lagu jiido diyaarad-yar, waxaad raacnaa doon yar, waxaan sameynaa koorso lagu fuulo buuraha-dhaadheer, waxaan dhisanaa doomo yar-yar waana quusnaa waxaana ku boodboodnaa hirarka biyaheena. Waxaana hubaal ah in laga helo sidoo kale waqti lagu nasto qoraxda iyo qaboowgana lagu seexdo leexada. Ka waran meesha caafimaadka kutaala musqusha uumiga warta, dugsiga DJ/istuudiyaha muusigada, tartanka kubadda cagta, ciyaaraha gaajada, CTF, Legdaanyada, caweyska, dhuumashada, dagaalada biyaha iyo waxyaabo kale oo badan? Waxaad helaysaa caawimaad laguugu caawiyo si aad u go'aansato. Si wadajir ah waxaan u sameynaynaa xagaa kabuuxa waayo aragnimo xiiso leh, saaxiibo cusub, xusuuso wanaagsan iyo qosol baddan! Mid yar oo marti ah wuxuu yiri: “Saaxiib ayaa i weydiiyay sida ay u egtahay in lajooga meesha Djuprämmen. Waxaan ku iri imoow sannadka soo socda, waa in aad adiga meesha joogtid si aad adiga naftaada u aragtid waxa meesha kajira. Waxaan kusoo qaadanay xagaagii nolosheena ugu fiicnaa.” Haddii aad jeceshahay in aad ogaatid wax baddan, ka fiiri boggeena intarnetka. Djuprämmen Sannad dugsiyeedka 6-9 Tirada.caruurta 50 Hoyga 3-6 ayaa ah qolal Qolka cuntada lala wadaago deegaanka Udden (40 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 11.6 – 24.6 14 maalmood 25.6 – 8.7 14 maalmood 9.7 – 22.7 14 maalmood 23.7 – 5.8 14 maalmood 6.8 – 18.8 13 maalmood Xiriirka: Joel Fänge Numbarka deegaan xagaaga 08-652 52 92 info@kollosommar.se www.kollosommar.se Qabanqaabiyaha Utepedagogik Sverige AB Meesha/goobta Deegaan Biyaha Djuprämmen ee loogu talogalay da` yarta- waxay kutaalaa Värmland, qiyaastii.300 km u jirta Stockholm. /22/ Granbo Riwaayad – Barnens Ö Daaha waqti dhow ayaa ladadi doonaa, daawadayaasha lafilanayo waa kuwo kudhegan fadhiyadooda yaala teendhadeena masraxa weyn. Waxaad kamaqli kartaa guuxa saaxiibada iyo qoyska dhinaca kale ee daaha. Qalbigaagu waa mid uu garaacayo, adiga waxaa kaa buuxa dareen wel-wel, qofkastana waa mid faraxsan oona sugi la'a in uu aado. Ugu dambaysta, waa waqtiga lasoo bandhigayo bandhiga koowaad ee kooxda Granbo. Hadda waa waqtigeena, masraxa waa midkeena – waa xilligii soo bandhiga! Kusoo dhowoow deegaanka Riwaayada Granbo! Weligaaga hore ma u istaagtay masrax, mise keliya waxaad tahay qof jeceyl in uu wax walba ogaado? Muhiim ma ahan, qofkasta halkaan Granbo waxaa loogu soo dhoweeyaa si sinaan ah. Si wadajir ah waxaan u dhisnaa bandhig leh shakhsiyaad xaqiiqi ah, waan heesnaa, dheelnaa islamarkaasna qosolnaa. Laakiin ma ilaaweyno in aynu xeebta kucuno jalaate, shidno diskowga ugu fiican iyo wax kasta oo kale oo aad jeceshahay in aad lasameyso saaxiibadaada inta lagu guda jiro xagaaga. Waxaan ku arki doonaa xagaaga! Granbo Sannad dugsiyeedka 6-9 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 13.6 – 26.6 14 maalmood 30.6 – 13.7 14 maalmood 17.7 – 30.7 14 maalmood 3.8 – 16.8 14 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Granbo waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuu leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /23/ Granliden Barnens Ö Iska ilaali jinniyada! Gal gudaha marada markaasna ayaga kuma arkayaan. Adiga iyo saaxiibadaada jooga deegaanka waxaad tihiin isku kooxo, adigana waxaad tahay bartamaha ciyaarta Ilaaha Faraantida! Ma heli doontaa jidkaada aad ku aadid buurta dabka kutaala Mordor? Ma laga yaabaa in ay jinniyadu waddada kugu qabsadaan? Macaawin kartaa Frodo? Ina keen aynu dhaqaaqnee! Kusoo dhowoow Granliden, deegaan xagaageena caanka ah ee farxada badan, middaas oo ay kabuuxaan hawlo firfircon, iyo ficilo madadaalo ah. Halkaan waxaad kuqaadan doontaa qaar kamid ah maalmaha xagaaga ugu fiican, sameyso saaxiibo cusub kuna raaxeyso waayo aragnimo aan caadi ahayn. Waxaan kulminaa ciyaaro xiiso leh sida orodka dahabiga ah iyo legdenka, ay la socoto hawlo degan sida farshaxano, daabacaada-Funaanad iyo dubid hilib ladubo. Waxaan aadnaa dibadda kadibna waxaan seexanaa hoosta xidigaha ama teendhooyinka, waxaan cunaa hilib la dubey moos kujira shukulaato, hilibka dhuudhuuban ee la dubo waxaana aadnaa kalluumeysi. Xitaa ma u baahana in lasheego in aynu sidoo kale leenahay caweys iyo habeen jinni ama reer aakhiraad oo loogu talogalay qofka geesiga ah. Waxaan ku arki doonaa xagaaga! Granliden Sannad dugsiyeedka 2-6 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 12.6 – 23.6 12 maalmood 26.6 – 7.7 12 maalmood 10.7 – 21.7 12 maalmood 24.7 – 4.8 12 maalmood 7.8 – 18.8 12 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid xerada) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Granliden waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /24/ Granvik Filim – Barnens Ö Nalalka! Kaamarada! Ficilka! “Waxaa igu soo dhacay fikrad waalan! Kaalay aynu sameyno filim dagaal!” “Anigu waxaan rabaa in aan filim cabsi leh kasameeyo duurka!” “Riwaayad jeceyl!” Halkaan Granvik waxaad ku baran kartaa waxyaabaha ku saabsan sameynta filim dhab ah. Waxaad helaysaa kaamaro aad ku duubtid filimka, ku shaqaysid qoraalka filimka, soo saartid filimka dib u habeyna ku samaysid. Mise waxaad jeceshahay in aad filimka jishid? Sidoo kale dabcan waxaad door kaciyaari kartaa filimkaaga. Fiidka ugu dambeeya waa waqtiga loo dabaal degayo filimka weyn, halkaas oo aynu kucuno casho xaflad kuna ciyaarno diskow. Waxaan isticmaalnaa kaamarooyin DV waxaana dib u habeyn ugu sameynaa iMovie, middaas oo macnaheedu tahay waxaan sameyn karnaa shaqo cod, nidaam sawiro iyo saameyno kale. Majiro waayo aragnimo hore oo aad in aad lahaatid loo baahanyahay. Sameynta filim lasameeyo waa in ay noqotaa mid madadaalo leh – waxayna ka dhacdaa Granvik! Iyo marka aynu sameynaynin filim waxaan ku dabaalanaa dekadeena quruxda badan, waxaana aadnaa dibadda, doon yar ayaan raacnaa waxaana qabanaa dhamaan noocyada kale ee hawlaha xagaaga iyo dhacdooyinka is tijaabinta ah. Waxaan ku arki doonaa xagaaga! Granvik Sannad dugsiyeedka 5-8 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 12.6 – 23.6 12 maalmood 26.6 – 7.7 12 maalmood 10.7 – 21.7 12 maalmood 24.7 – 4.8 12 maalmood 7.8 – 18.8 12 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha Granvik waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegankuwuxuu kudhowyahay biyaha wuxuun leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /25/ Granö Gård Masraxa – Barnens Ö In baddan oo daawada timaha lagu buufiyo ah, Waxaan doonayaa in timahayga ay kor u taagmaan! Bishimo cagaar ah, laxirto-fanaanad iyo surwaal buluug aftiimiya. Waxaan ku qaadanay maalinta oo dhan wax sameyn, anaga oo kor u shanleyna timaheena oona diyaarinayna dhar. Galabtaan waxaan dhigeynaa bandhig weyn oo aynu soo bandhigeyno. Waxaan kucel-celinaynay maalmo dhowr ah haddana waxaa lagaarey waqtigii ugu dambeeyay ee lasoo bandhigi lahaa. Jillayaasha Granö Gård’ waxay sugi la'yihiin in ay baxaan, waa waqtigii bandhiga lasoo bandhigi lahaa! Deegaanka meesha Granö Gård macnaheedu waxay tahay dheelid, heesid, bandhigyo iyo wax badan oo kale. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican xagaaga waa maalmaha dhaadheer, sidaas darteeda waxaan qabnaa waqtiyo badan oo aynu ku aadi karno biyaha, ku lahaano Caweysyo, ku sameyno farshaxano iyo dhammaan waxyaabaha kale ee madadaalada ah kuwaas oo ayba tahay waxa uu xagaagu yahay. Horjoogayaasha jooga Granö Gård waxay waayo aragnimo iyo aqoon u leeyihiin riwaayada, dheelida iyo muusikada ay la socoto aasaas wanaagsan oo ku saabsan fullinta mashruucyada loogu talogalay caruurta iyo da` yarta. Waxaan rajeynaynaa in aynu ku aragno – masraxa adiga ayaa iska leh! Granö Gård Sannad dugsiyeedka 3-6 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 13.6 – 26.6 14 maalmood 30.6 – 13.7 14 maalmood 17.7 – 30.7 14 maalmood 3.8 – 16.8 14 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Granö Gård waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuun leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /26/ Ivarsudde Badda, dabeysha, qoraxda iyo dayaxa meesha Deegaanka Ivarsudde Stiftelsen Birkagården! Badduna ay tahay mid u dhow, qubeyska, bad maaxida, socdaalo doon yar iyo kalluumeysiga waa kuwo kamid ah hawlaha kale ee maalin laha ah. Ka dib maalin oo dagaal biyo ah ama doonta caaga ka sameysan gadaasha doonta matoorka leh, waxaan isku kululeynaa uumigeena laga sameeyay geedo-la shidey ka hor inta aan lagaarin waqtiga rootiga fiidka. Ka fillo fikrado aan caadi ahayn, nasiino iyo xiiso leh oo ka ahaada “Ivars’” horjoogayaasha waayo aragnimada u leh deegaanka! Caweyska, Legdinta, soo goosasho faraawlo iyo “Maxaabiista ku xeran Ivars” waa qaar kamid ah hawlaheena. Tartamada dubidda-doolshada ka dhacda Ivarsudde, tartamada teeniska miiska iyo maalmaha raaxeysiga sidoo kale waxay ka mid noqon karaan barnaamijka. Muddo kasta waxaan u qaadanaa doonteena weyn duleedka jasiiradaha yar-yar si aynu meesha ugu sameyno dibad aadid laseexdo xidigaha hoostooda. Sidoo kale waxaad duurka ku arki kartaa jinni ama reer aakhireed laba ama hal ah ka hor inta aan muddada dhammaanin … Isku diyaari barashada saaxiibo cusub iyo wayo aragnimo aan caadi ahayn ee ka dhaca meesha Ivarsudde! Ivarsudde Sannad dugsiyeedka 1-9 (fiiri mudada ) Tirada.caruurta 44 Hoyga 2-8 ayaa ah qolal Mudada 12.6 – 25.6 14 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9 27.6 – 8.7 12 maalmood, sannadaha dugsiga 1-9 10.7 – 23.7 14 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9 25.7 – 5.8 12 maalmood, sannadaha dugsiga 1-9 7.8 – 14.8 8 maalmood, sannadaha dugsiga 1-9 Xiriirka: Oskar Norberg 070-6058701 Anette Ingemarsson 070-7182284 Susanne Guidetti 076-8381122 kollo@birkagarden.se www.birkagarden.se/kollo Qabanqaabiyaha Stiftelsen Birkagården Meesha/goobta Ivarsudde waxay qiyaastii. 90 km u jirtaa Stockholm, meesha Lidöfjärden ee jasiirada Vätö, waqooyiga-bari ee Norrtälje. Waxay leedahay xeebteeda iyo barkadeeda qubeys, sidoo kale uumiskeeda lagu shido-geedka. /27/ Lindängen Barnens Ö “Ayada oo lagu socodo xarig dhuuban biyaha korkooda?! Iyo in biyaha lagu dhaco?! Haa!” Waxaa jirta ciyaar qurxoon oo googaalaysi ah ee ka dhacda Xarunta Farshaxanka ee meesha Lindängen, caruurta waa kuwo faraxsan waxayna u qiyaasaan qaab aan isku toosnayn. Dhinaca kale qof jooga dhinaca xariga ee kuyaala dusha geedka, ee u socda qaabkooda ay ku dhisi lahaayeen guri geed cusub. Kooxo dad ah ayaa waxay fadhiyaan hoosta geedka ayaga oo isku sheegaya sheekooyin jinni. Isla markiiba waxaa lagaarayaa xilligii la isku soo aruuri lahaa. Subax qurxoon ee ku bilata meesha Lindängen. Laba todobaad marna uma muuqanayaan in ay yihiin kuwo hawlo ka buuxa ama dhacdo leh sida ay halkaan ku noqdaan meesha Lindängen. Deeganka Lindängen wuxuu bixiyaa dhammaan noocyada hawlaha, meeshaas oo aad isku dayi karto sameynta in badan oo ka mid ah waxyaabaha xagaaga la sameeyo. Doon waddid, caweys, sameynta xeeladaha gole ciyaareedka, wax karin, in la soo booqdo orodka dahabka Klondike, sameynta xoogaa riwaayado ah, in laciyaaro ciyaaro isku day ah oo khatar leh, la bisasho, jidadka jinka iyo dagaalo biyaha lagu dagaalamo – maxaad adigu dooran doontaa? Meesha Lindängen waxaad ku sameysan doontaa saaxiibo waxaadna la kulmi doontaa dad waaweyn kuwaas oo jeceyl deegaanka. Si wadajir ah waxaan nafsadeena u sameynaynaa xagaa aan caadi ahayn! Lindängen Sannad dugsiyeedka 3-6 Tirada.caruurta 30 Hoyga Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Starrbäcken (35 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 13.6 – 26.6 14 maalmood 30.6 – 13.7 14 maalmood 17.7 – 30.7 14 maalmood 3.8 – 16.8 14 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Lindängen waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha, 250 mitir ayay u jiraa xeebta iyo meesha qubeyska. /28/ Deegaan Bad maaxida Rånö Meesha Rånö maalmaha waxaa lagu buuxiyay baad maaxid, qorax, qubeysi, ciyaaro iyo ciyaar. Waxaan haynaa wax kasta oo deegaan xagaa caadi ah ay soo bandhigi karo, laakiin ujeedada aynu ku takhasusney waa bad maaxid. Haddii aad tahay qof bilow ah ama doon wadde waayo arag ahayn, muhiim ma ahan intaas oo dhan, meeshaan qofkasta waa lagu soo dhaweynayaa! Waxaad badda la galeysaa doomo yar-yar iyo doomo waaweyn, waxaad isku dayaysaa in aad shiraaca dabeysha la raacdid. Ma waxaa imaanaya adiga keligaaga ama waxaa kula socda saaxiibkaaga fiican? Ka dib maalmo dhowr ah adiga ayaaba baran doona qofkasta. Middaan waa waxa ay hal gabar qortey: “Meesha Rånö waxaad dareemaysaa sida dareen bulsho oo aad la qabto dhammaan caruurta kale, iyo dhammaan horjoogayaasha, dareenka wadajirkana waa mid aan caadi ahayn.” Meesha Rånö waxaan ku qabnaa jawi farxad, oona deggan. Waxaad ku sameysanaysaa saaxiibo cusub, ka dibna marka aad guriga u laabatid waxaad awood u yeelanaysaa in aad sameysid bad maaxid! Xirfad aad lahaan doonto intiiba aad nooshahay! Waxaan rajaynaynaa in aynu helno codsigaaga. Waxaan kugu arkaynaa meesha Rånö! Deegaan Bad maaxida Rånö Sannad dugsiyeedka 6-9 Tirada.caruurta 26 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 15.6 – 28.6 14 maalmood 30.6 – 13.7 14 maalmood 16.7 – 29.7 14 maalmood 31.7 – 13.8 14 maalmood Xiriirka: Rikard Lindholm 08-694 92 22 info@ranoseglarlager.nu www.ranoseglarlager.nu Qabanqaabiyaha Arbacia AB Meesha/goobta Jasiiradaha koonfurta Stockholm, dhinaca Utö. /29/ S/Y Ellen Bad maaxida doon xamuul yar Bad maaxida dhinaca markabka S/Y Ellen! Adiga iyo saaxiibada cusub, waxaad la kulmi doontaan dabiiciga iyo awoodihiisa marka aad saarantihiin bad maaxida markabka. Waxaan u bad maaxeynaa halka ay dabeyshu noo waddo anaga oo ku soconayno dhulka jasiiradaha cajiibka ah ee ku yaala Stockholm. Waxaan aadnaa xeebta meeshaas oo aad ku gali karto biyaha, uga soo boodi karto afka hore ee markabka, fuushid xargaha iyo wax badan oo kale. Waxaad lahaan kartaa bixid aad raacdid oona aadid bad maaxid, adiga oo lagu ilaaliyo, waddid, iyo dhammaan noocyada waxyaabaha kale ee qaybta ka ah nolosha badda. Bad maaxnimo, ciyaaro iyo hilib dubasho fiidkii ah ee ah marka ay qoraxdu dhacdo – middaan waxay noqon kartaa xagaagaaga! Haddii aad tahay bad maax waayo arag ah ama mid biloow ah, adiga meeshaan ayaa laguugu soo dhoweynayaa. Haddii aad tahay qof h waayo aragnimo leh waxaan kugula talinaynaa muddada 3, marka aad sidoo kale hesho in aad ku bad maaxdo biyaha furan, halka waxa aad arkayso ay tahay jid toosan oo keliya. Waxaa khasab kugu ah in aad dabaalatid 200 oo mitir si aad ugu bad maaxdid S/Y Ellen. Waxaan kugu arkayaa xagaagaan dusha markabka! S/Y Ellen Sannad dugsiyeedka 4-9 (fiiri muddooyinka) Tirada.caruurta 27 Hoyga Waxaad ku noolaanaysaa waxna ku cuneysaa dusha doonta. Mudada 12.6 – 17.6 7 maalmood, sannadaha dugsiga 4-6 22.6 – 3.7 12 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9 18.7 – 30.7 13 maalmood, sannadaha dugsiga 7-9 1.8 – 8.8 8 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9 10.8 – 17.8 8 maalmood, sannadaha dugsiga 4-6 * Kuwiina leh waayo aragnimada bad kusafrid ah. Waxaan bad maaxid sameynaa habeenka waxaana ku safarnaa biyaha furan. Xiriirka: Hans Rudeberg 073-437 56 82 hasse@syellen.se www.syellen.se Qabanqaabiyaha S/Y Ellen Meesha/goobta Bad maaxida S/Y Ellen ee ka dhacda jasiiradaha yar-yar ee ku yaala Stockholm. /30/ Skeppsholmsgården Bad maaxida doon xamuul yar Ha moogaanin fursadaan loogu talogalay bad maaxida isku dayidda ka dhacda Elmy iyo Lova. Waxaad sameyn doontaa bad maaxid, xirtid guntiimooyin, waddid doonta islamarkaasna bad maaxdid. Haddii ay tahay middaan markii kuugu horeysay ee aad safar u aado bad maaxid ama haddii aad tahay bad maaxe waayo arag ah, waxaad baran doontaa wax badan. Waxaad bad maaxeysaa habeenka, marka aynu ku sameyno bad maaxid manaaradaha, daawatid xidigaha dhacaya islamarkaasna cabtid shukulaate kuleyl ah. Anaga baddanaa waxaan bad maax sameynaa maalinta barkeeda ka dibna waxaa xarkaha loogu daadinayaa hoyga gacan baddeedka. Waxaad fuuli kartaa xarkaha, kana boodi kartaa afka hore ee markabka, doon ku wadi kartaa gacanka biyaha badda adiga oo la socdo saaxiibo waxaadna raadin kartaa manaaradaha, qalcado waa hore ah, xeebaha carada leh iyo geedaha canabka. Iyo dabcan waxaad geli kartaa biyaha, ciyaari kartaa ciyaaraha, qaadan kartaa uumiga jirka, aadi kartaa kalluumeysi, yeelan kartaa dagaalan biyo, ama waxaad ciyaari kartaa ciyaarta shanta nooc ah ka dibna aadid socodka jinka. Horjoogayaasha iyo caruurta waxay si wadajir ah ugu noolaanayaan dusha doomaha. Kooxo yar oo lagu darey madadaalo iyo horjoogayaal lagu kalsoonyahay waxay dammaana qaadayaan 12 maalmood oo aan caadi ahayn oo ka buuxa qorax, qubeys iyo isku raran ama iskuday khatar ah. Waxaan kugu arkayaa dusha Elmy iyo Lova! Skeppsholmsgården Sannad dugsiyeedka 5-9 Tirada.caruurta 16, kalaqaybin u dhaxeysa laba doomood. Hoyga Waxaad ku noolaanaysaa dusha doomaha Elmy iyo Love. Mudada 11.6 – 22.6 12 maalmood 25.6 – 6.7 12 maalmood 9.7 – 20.7 12 maalmood 23.7 – 3.8 12 maalmood 6.8 – 17.8 12 maalmood Xiriirka: Kristoffer Strandfeldt 08-684 252 05 0707-83 83 53 segling@skeppsholmsgarden.se www.skeppsholmsgarden.se Qabanqaabiyaha Skeppsholmsgården Meesha/goobta Jasiiradaha yar-yar ee Stockholm (waxay kategayaan kuna soo noqonayaan Skeppsholmen). /31/ Solgården Barnens Ö Meesha Solgården ujeedada waxay tahay in lasameeyo ciyaaro iyo hawlo baddan, marwalba waxaa jira waxyaabo baddan oo dhaca. Horjoogayaasha waa kuwo waayo arag ah, u go'an hawsha, inta baddana labista. Sidaan waa sida ay u sharraxaan martiyaasheena yar-yar ee aan caadiga ahayn deegaan Solgården: Linn: Solgården waa meesha ugu fiican adduunka oo dhan! Waa waxa ugu madadaalada iyo qosolka badan dhammaan waxa aad isleedahay waa ugu xiiso badan yihiin. Horjoogayaasha waa kuwo madadaalo iyo saaxiibo ah, adigana waxaad sameynaysaa saaxiibo cusub oo badan. Aniga weligayga madoonayn in aan katago meeshaas! Samuel: Waxaan la ciyaarney ciyaarta rugbida horjoogayaasha, waxaan aadnay dibbada, waxaan xaliney sirta dilka, sii joognay xeebta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la sameeyo. Waxaa jira wax loogu talogalay qofkasta oo jooga meesha Solgården! Timmy: Solgården waa meesha ugu fiican! Waxaad la kulmaysaa saaxiibo baddan, waxaad la baashaalaysaa horjoogayaasha waxaadna sameynaysaa dhammaan hawlaha. 10/10 :) Simon: Solgården wuxuu leeyahay awood sixir ah middaas oo macnaheedu tahay adiga markasta waxaad tahay qof faraxsan. Waxaa jira waxyaabo badan oo la sameynayo kuwaas oo aadan u helaynin waqti aad ku sameyso dhammaantooda, waaba sidaas sida ay u xiiso baddan tahay! Solgården Sannad dugsiyeedka 4-7 Tirada.caruurta 50 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 13.6 – 26.6 14 maalmood 30.6 – 13.7 14 maalmood 17.7 – 30.7 14 maalmood 3.8 – 16.8 14 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Solgården waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /32/ Solvik Socdaal hawl – Barnens Ö Lugahaada waa kuwo gariiraya waxayna u muuqdaan sida in baddan in ay kasareeyaan dhulka engega ah! Ku samee hir-raacid alwaaxa hir-raacida, aad tooska ilkaha libaax badeedka kuna soco xariga dhuuban sida dadka qoobka kaciyaara oo kale. Ugu dambaysta waxaad gaareysaa caqabada ugu dambaysa waxaadna ku socon kartaa xariga dusha sare ee geedaha. Fuul buuraha-dhaadheer Waddada Madoow! Maalinta joogga Solvik waxaa ka buuxa iskuday weyn iyo hawlaha ka dhaca deegaan xagaaga caadiga ah. Waxaa mid buuxda laga bilaabo dhisida doomo yar, dibad aadid (ay la socoto habeen lagu qaato hoosta xidigaha haddii aad doonaysid), ciyaaro iskuday iyo u gaarasho khasnad burcadeed. Iskuday kasta waa mid ka dhici kara meesha Solvik! Khibradaha Waayo aragnimada inta la helaayo dhexdooda sidoo kale waxaa jira waqti loogu talogalay qubeys lagu qubeysto xeebta iyo ciyaaro lagu ciyaaro meesheena carada wanaagsan. Sidoo kale waxaan leenahay qol uumi aad u wanaagsan halkaas oo aynu sitoos ah ugu geli karno badda. Horjoogayaasha waa kuwo la isku halayn karo, aqoon iyo waayo aragnima leh. Noo imoow ka dibna nala samee isku raranka xagaaga ka dhaca meesha Solvik! Solvik Sannad dugsiyeedka 3-6 Tirada.caruurta 50 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 12.6 – 23.6 12 maalmood 26.6 – 7.7 12 maalmood 10.7 – 21.7 12 maalmood 24.7 – 4.8 12 maalmood 7.8 – 18.8 12 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Solvik waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuun leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /33/ Starrbäcken Barnens Ö Fasaxyada xagaaga kama fiicnaan karo sidaan. Marka fiidka xagaaga dambe lagaaro waxaan gashanaa fanaanad dhaxmeed, waxaan ku war wareegnaa berkadda kuna sosoconaa illaa qoraxdu ka dhacdo. Qaar ka mid ah kuwo kalena waxay ku dul fadhiyaan derinta jiimka qaboow, bustooyin ayaa la dul saarayaa dhulka cawska leh rikoodhkana waxaan ka yeeraya muusik ay la socdaan geedaha aloonka ku yaala ‘Fagaaraha Starris’. Maxay ka hadlayaan? Dabcan jeceyl, waxa ka dhacay dibad aadida lagu aadey Likholmen, ama sida lagu lahaan karo dagaal biyo munaasab ah. Ku soo dhawoow deegaan xagaaga loogu talogalay dhallinyarada! Halkan Starrbäcken waxaan ku siinaynaa waxa ugu badan ee ugu fiican xagaaga. Waxaan ku sosoconaa xeebta, waxaan ciyaarnaa kubadda cagta, waxaan aadnaa dalxiis gaaban, waxaan muusik ku dhegaysanaa qaybta soodhoweynta, waxaan ku nasanaa beerta cawska, waxaan cunaa hilib la dubey, waxaan aadnaa dibadda, waxaan la kulanaa islamarkaasna baranaa saaxiibo cusub waxaana sameynaa wax kasta oo kale oo ah qayb ka mid ah deegaan xagaaga. Si wadajir ah waxaan u sameynaynaa laba todobaad xagaa oo farxad leh, oo aan la ilaawin karin! Starrbäcken Sannad dugsiyeedka 7-9 Tirada.caruurta 35 Hoyga Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Lindängen (30 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 13.6 – 26.6 14 maalmood 30.6 – 13.7 14 maalmood 17.7 – 30.7 14 maalmood 3.8 – 16.8 14 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Starrbäcken waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha, 250 mitir ayay u jiraa xeebta iyo meesha qubeyska. /34/ Xeebta Barnens Ö Diyaar ma u tahay in aad talaabo qaadid?! Dj-da Xeebta waxay soo gebagebaynayaan qaarna waxay diyaar u noqonayaan bandhigooda fiidka. Nalka ka soo baxa kubadda caweyska wuxuu kusameynayaa naqshado qosol leh derbiyada iyo saqafka, asaga oo sidaasna ku sameynaya dhammaan noocyada middabyada. Ugu dambeystii waa waqtiga la ciyaarayo caweyska weyn! Meesha Xeebta waxaa jira waxyaabo baddan iyo lumid la hubo! Waxaad la kulmi doontaa deegaan dhab ah oo leh dhammaan waxyaabaha qosolka leh, waxyaabo waali ah oo dhammaan ku saabsan xagaaga: hawlo biyo, doon yar waddid, nijaarnimo, muusik, kalluumeysi, dheelid, tuurtuurka poi-da, orodka dahabka iyo socodka jinniga! Haddii aad doonaysid in aad arimaha fudeyd ka dhigatid waxaa jira hawlo kale oo wanaagsan sida wax akhrinta ama wax duubidda. Shaqaalaha jooga Xeebta waa horjoogayaal waayo arag ah kuwaas oo xooga saara hubsashada in ay caruurtu yimaadeen, waxayna si firfircoon ula shaqaynayaan ilaaliyaasha kuwaas oo u fududeeya qofkasta in uu dareemo in uu yahay mid kamid ah kooxda. Xeebta Sannad dugsiyeedka 3-6 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 11.6 – 20.6 10 maalmood 23.6 – 2.7 10 maalmood 5.7 – 14.7 10 maalmood 16.7 – 25.7 10 maalmood 28.7 – 6.8 10 maalmood 9.8 – 18.8 10 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha Xeebta waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /35/ Strandhem Barnens Ö Weydii saaxirada caawimaad, laakiin iska jir tuugada duurka kujirta! Haddii kale waxaad gacanta u geli doontaa Boqor Sharlow ah! Boqor Sharlow ah, Goldrush, Cluedo, waxaa jira dhammaan noocyada adduunka kuwaas oo aad gacanta ugu geli karto meesha Strandhem. Strandhem waa deegaanka loogu talogalay qof kasta oo raba in uu la kulmo waxa ugu fiican xagaaga. Waqti wanaagsan oo lala qaato saaxiibo wanaagsan iyo lumid oo la hubo! Waxaan ciyaarnaa muusik, sameynaa najaarnimo, wadnaa doon yar, baranaa tuurtuurka poi-da iyo waxaan sameynaa ciyaarta boodboodada. Haddii aad doonaysid in aad qaboow dareentid oona arimaha u qaadatid si degan, aad ayaa laguugu soo dhaweynayaa in aad sidaas sameysid. Arin kale oo muhiim ah waxay tahay deegaan caweyskeena weyn, halkaas oo aynu aad ugu dheelno! Waxaan leenahay dareen qoys halka, sida ahaanshaheena horjoogayaal, waxaan sameynaa wax kasta oo aynu awoodno sameyntooda si loo hubsado in joogitaankaaga uu noqdo mid xiiso leh oona waxqabad ka buuxo. Qol kasta wuxuu leeyahay ilaaliye midkaas oo dad ku caawiya in la hubsado in dhammaan caruurta la arko islamarkaasna ahaadaan kuwo ka mid ah bulshada. Waxaan kugu arkaynaa meesha Strandhem! Strandhem Sannad dugsiyeedka 3-6 Tirada.caruurta 48 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 11.6 – 20.6 10 maalmood 23.6 – 2.7 10 maalmood 5.7 – 14.7 10 maalmood 16.7 – 25.7 10 maalmood 28.7 – 6.8 10 maalmood 9.8 – 18.8 10 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Strandhem waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /36/ Stugorna Xayawaanka – Barnens Ö Imisa ukun ayay digaagadaha nasiiyaan maanta? Bakayle yar ayaa wuxuu madaxiisa u taagayaa banaanka wuxuuna urinayaa caleenta geedka gabaldayaha u eg, si kedis ahna waxaa soo baxaya shan iyo ka badan waxayna doonayaan in ay wax dhadhamiyaan sidoo kale. Ri'ida Loranga, Masarin iyo Dartanjang ayaa waxay biilbiilinayaan deegankooda waxayna doonayaan in baddan oo laamo ah oo kasoo goostaan geedaha. Subaxaan dhinaca xayawaankeena digaagadaha o waxay nooga tageen shan ukumood, middaas oo macnaheedu tahay waxaan duban karnaa doolshada isbuunyada ah hadhow dambe maalinta. Stugorna waa deegaanka qof kasta oo doonaya in uu ogaado in baddan oo ku saabsan xayawaanka iyo dabiiciga, laakiin sidoo kale raba in uu ciyaaro islamarkaasna biyaha galo. Maalmaha waxaa ka buuxa farshaxan, qosol, ciyaaraha ninjada, ciyaaro sixir iyo waxyaabo badan oo kale oo ah hawlo xiiso leh. Mararka qaar waxaan aadnaa dalxiis gaaban anaga oo wadana diirado wax lagu eego iyo shabaqyo badda ah, halkaan oo aan karaadino shimbiro iyo xayawaan baddeed, waxaana soo aruurinaa xayawaano baddeed yar-yar iyo cayayaano si loogu xanaaneeyo beerta xayawaanada yar-yar lagu xareeyo. Xitaa ma u baahana in la sheego in aynu sidoo kale leenahay,caweys iyo socod jinniyeed loogu talogalay qofka geesiga ah. Waxaan ku arki doonaa xagaaga! Stugorna Sannad dugsiyeedka 2-6 Tirada.caruurta 45 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 11.6 – 18.6 8 maalmood 22.6 – 29.6 8 maalmood 2.7 – 9.7 8 maalmood 12.7 – 19.7 8 maalmood 22.7 – 29.7 8 maalmood 1.8 – 8.8 8 maalmood 11.8 – 18.8 8 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Stugorna waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /37/ Synsholmen Ku deg Hoteelka Jasiiradaha yar-yar ee ku yaala meesha Synsholmen! Adeeggayaasheena… ama haddii kale horjoogayaasheena, waxay hubsanayaan in adiga iyo martidaada kula socota aad qaadatiin fasax aan caadi ahayn, oo qosol iyo xiiso leh. Ku soo toos/kac uduga rootiga markaas la dubey, kuna quraco barxada/daaradda/xooshka guriga aad kadaawatid badda. Markaas ka dib maalmaha waxaa ka buuxa ciyaaro xiiso leh iyo nolol xeebeed, ay la socota ciyaaro alwaax iyo buugg fiican ama qosol ah. Sidoo kale waxaan kuugula talinaynaa in aad habbeen kuqaadatid qaybta raaxada dadka caanka ah ‘Lillstugan’. Mid kamid ah waalidiinta ayaa sidaan qorey: “Caadi ma ahayn, waxaan u jeclaaday si waalan, aad dabiici u ah, aad farxad u leh, aad u qadarin badan, waxaa ka buuxa in badan oo awood wanaagsan ah, aad ammaan u ah, aad u madadaalo badan aadna u leh hal abuur! Ma u maleynayn in ay suurtogaltahay in ay sidaan oo kale u dhacdo deegaan xagaa.” Synsholmen Sannad dugsiyeedka 1-7 (fiiri muddda ) Tirada.caruurta 38 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 14.6 – 27.6 14 maalmood, sannadaha dugsiga 4-7 1.7 – 14.7 14 maalmood, sannadaha dugsiga 4-7 1.8 – 14.8 14 maalmood, sannadaha dugsiga 1-5 Xiriirka: Eric Flyxe 070-46 00 111 kolloinfo@synsholmen.com www.synsholmen.com Qabanqaabiyaha Synsholmens Kolloförening Meesha/goobta Jasiirada ku taala jasiiradaha yar-yar ee quruxda badan ee St Anna, ayada oo leh daawasho badda ah waxayna ku dhowdahay meesheeda lagu qubeysto oona lagu kalluumeysto. Mararka qaar waxaa jira sidoo kale xayawaan buul leh oo jooga deegaanka! /38/ Sörvik Ciyaar – Barnens Ö Waa subax meesha deegaanka Sörvik qurac qurux baddan ka dib qof kasta wuxuu sugi la'yahay in uu baxo. Waxaan qabaa xoogaa muruq xanuun ah oo iga soo gaarey ciyaartii tartanka shaley ee ahayd ciyaarta shabaqa, laakiin waxay ahayd mid aad u xiiso badan! Dabacn qaybta ugu fiican waxay ahayd marka horjoogayaasha ay ku soo buuxsameen inta lagu guda jirey gebagebada, ayaga oo dhammaan xiran dharka Dagaalka Xidigaha. Hadda waxaa lagaarey waqtigii la isku soo aruuri lahaa, ka dibna waxaa xiga isreeb-reebka ciyaarta teeniska miiska! Marka aad nala joogtid waxaad isku dayaysaa in aad ciyaartid dhammaan noocyada ciyaaraha ah, guud ahaan kuwooda dhaqameedka iyo ciyaaro cusub oo xiiso leh waxaana rajeynaynaa in aadan hore u sameynin ciyaarahaas: ciyaaraha jineystikada iyo ciyaarta isqal-qaloocinta, buuraha oo baaskiil lagu fuulo, tartanka ciyaarta doomaha kayak iyo ugu dambeynta ciyaarta saxniga la isku tuur-tuuro. Sida xerada oo kale, ciyaarta waa mid ayada lawada joogayo oona si wadajir ah la iskula shaqaynayo, waana ku adkaynaynaa in badan middaan. Meeshaan waa lagu soo dhoweynayaa qof kasta! Ayada oo ay jiraan dhammaan ciyaaraha, sidoo kale waxaan ku samaynaa waxyaabo kale meesha deegaan xagaaga: Dibad bax/ aadid, caweys, socod jinniyeed, galida biyaha iyo in la isku kuleeyo qoraxda. Waxaan ku arki doonaa xagaaga! Sörvik Sannad dugsiyeedka 4-7 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Sörängen (40 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 11.6 – 20.6 10 maalmood 23.6 – 2.7 10 maalmood 5.7 – 14.7 10 maalmood 16.7 – 25.7 10 maalmood 28.7 – 6.8 10 maalmood 9.8 – 18.8 10 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Sörvik waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /39/ Sörängen Kubadda cagta – Barnens Ö Kubadda waxay ku dhacday birta waxayna gashay goolka! Muxuu gool fiican ahaa! Fanaanado garan oo cagaar iyo guduud ah ee lagu xirto garoonka kubadda cagta, qof kasta wuxuu sugi la'yahay in uu baxo. Muhiimada maalinta hadda unbay bilaabatey – tartanka kubadda cagta. Shalley qaar anaga naga mid ah ayaa waxay sameynayeen xeeladaha Zlatan, waxaa laga yaabaa in ay maanta mid heli doonaan...? Dhinaca garoonka qaar kamid ah saaxiibada deegaanka waxay ruxayaan calamada kooxda, kuwaas oo aynu xaley ka sameynay waraaqo waaweyn. Sörängen adiga ayaa laguugu talogalay haddii aad u jeceshahay kubadda cagta sideena oo kale. Anaga waxaan ciyaarnaa kubadda cagta, waxaana ka hadalnaa kubadda cagta, waxaana ciyaarnaa wax badan oo kubadda cagta ah. Marka aynu daalno oona dhididno, waxaan u orodnaa xeebta waxaana isku tuurnaa badda. Mararka qaar waxaan qaadanaa fasax waxaana sameynaa hawlo deegaan kale si aynu ugu diyaar garoowno ciyaarta xigta. Meeshaan waa lagu soo dhoweynayaa qof kasta. Ciyaarida kubadda cagta anaga waxaan dhisnaa kalsooni-nafta ah iyo dareen bulshonimo, deegankana waxaan ku sameysanaa xusuusyo nolosha ah. Xagaagaan waxaan kugu arki doonaa garoonka kubadda cagta! Sörängen Sannad dugsiyeedka 4-7 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Ciyaarta Sörvik (40 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 11.6 – 20.6 10 maalmood 23.6 – 2.7 10 maalmood 5.7 – 14.7 10 maalmood 16.7 – 25.7 10 maalmood 28.7 – 6.8 10 maalmood 9.8 – 18.8 10 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaaka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Sörängen waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /40/ Udden Deegaan Biyaha Da` yarta Caadi ma ahan! Hamoogaanin fursadaan loogu talogalay xagaaga ee ka dhacda deegaanka leh jasiiradeeda gaarka ah, ee ay ka buuxaan saaxiibo cusub. Waxaad qoraxda ugu qubeysan kartaa berkadda, isugu tuuri kartaa biyaha, u quusi kartaa adiga oo kubooda qalabka boodboodada biyaha ama waxaad saaxiib isugu raaci kartaan fuulida doonta yar ee caaga ah, middaas oo lagu jiido mootada matoorka-biyaha. Hubaashii waxaan sidoo kale leenahay hawlo sida tartanka kubadda cagta, doon waddid, doon dhisid, bandhig mowhibo, kalluumeysi, CTF, kubadda shabaqa,bannaanka in lasoo seexdo, in lagu heeso hareeraha dabka deegaanka iyo in aynu cuno hilib la dubey iyo boos lagu darey shukulaato, farshaxan, caweys iyo tartamo waalan, le bisasho, qalabka lagu boodboodo iyo dhammaan noocyda marin habaabinta ah. Hal ilmo/cunug ayaa sidaan qorey: “Ma awoodo in aan xagaageyga ku sharraxo hadal. Waxaan ku soo qaatey madadaalo cajiib ah waana u xiisi doonaa qof kasta oo aan meesha ku soo bartey.” Waad ka dhiiban kartaa ra'iyigaaga waxa dhacaya ama la sameynayo, sidaasna waxaan si wadajir ah uga dhigi karnaa xagaaga midka ugu fiican. Diyaar ma u tahay in aad sameysid waxyaabo iskuday ah? Maadaama horjoogayaashu ay yihiin kuwo mar horeba u hiloowsan xagaaga ka dhaca deegaan Biyaha Udden! Haddii aad jeceshahay in aad ogaatid wax baddan, ka fiiri boggeena intarnetka. Udden Sannad dugsiyeedka 3-6 Tirada.caruurta 40 Hoyga 3-5 ayaa ah qol Qolka cuntada lala wadaago xerada Djuprämmen (50 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 11.6 – 20.6 10 maalmood 21.6 – 30.6 10 maalmood 1.7 – 10.7 10 maalmood 11.7 – 20.7 10 maalmood 21.7 – 30.7 10 maalmood 31.7 – 9.8 10 maalmood 10.8 – 18.8 9 maalmood Xiriirka: Joel Fänge Numbarka deegaan xagaaga 08-652 52 92 info@kollosommar.se www.kollosommar.se Qabanqaabiyaha Utepedagogik Sverige AB Meesha/goobta Deegaanka Udden wuxuu ku yaalaa Värmland, qiyaastiina.300 km u jiraa Stockholm. /41/ Uddis Muusik – Barnens Ö Diyaar ma u tahay damaashaadka dhagaystayaasha? Waxaa dhow waqtiga xafladda. Qof kasta waxaa ka buuxda farxad ka hor fiidka inta aan xafladu dhicin. Masameynay ku cel-celin nagu filan? Ma nahay kuwo si dhab ah u bartey kabanka kelida loo garaaco midkaas oo aynu go'aansanay maalin ka hor? Miyaynu nahay kuwo xusuusan qoraalada heestii aynu ku qorney markii aynu dibadda u baxnay? Kusoodhawoow masraxa, hadda waxaa lagaarey waqtiga bandhiga! Deegaan muusika Uddis! Meesha Uddis qof kasta wuxuu ku ciyaari karaa muusik, haddii aad tahay qof waayo arag ah ama qof gebi ahaanba biloow ah. Xeradeena Deegaan xagaageena wuxuu ka koobanyahay waayo aragnimo xiiso leh oo kamid ah dabaalasho, caweys iyo waxyaabo iskuday ah, intaas oo dhan ka horna muusik badan. Si wadajir ah adiga iyo saaxiibadaada cusub waxaad sameysanaysaan kooxo, waxaad isku caawineysaan qoritaanka heesaha, waxaad haysataan fursad aad kucel-celisaan oo aad kutababarataan, kadib marka ay wax kasta fiicnaadaan waxaan bandhig kusameyn doonaa dhagaystayaasha hortooda. Meesha Uddis waxaa jira waxyaabo loogu talogalay qof kasta, intaas ka horna waxaa jira in badan oo muusik ah! Uddis Sannad dugsiyeedka 4-6 Tirada.caruurta 36 Hoyga Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Backis (36 caruur). Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan. Mudada 12.6 – 23.6 12 maalmood 26.6 – 7.7 12 maalmood 10.7 – 21.7 12 maalmood 24.7 – 4.8 12 maalmood 7.8 – 18.8 12 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Uddis waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /42/ Östergården Biyo – Barnens Ö Istaag, waxaan doonta-u waddaneynaa dhinaca manaarada quusida! Diyaar ma u tahay in aad qoraxda ku raacdid SUPs (alwaaxyada-waddida-istaaga)? In intee la'eg ayaad aadi kartaa adiga oo aan ka dhicin doonta? Ma jeceshahay in aad doonta u waddid dhinaca manaarada quusida ku taala jasiirada Assö? Meesha deegaanka dhallinyarada Östergården waxaan ku jecelnahay hawlaha biyaha wanaagsan sida dhisida doomaha yar-yar, kalluumeysiga, in lagu dabaasho dhagaxaanta badda, iyo doon waddid. Sidoo kale hubaashii waxaan ku sameynaa waxyaabo kale deegaanka. Waxaan sameynaa ‘wada sheekaysi kooxo’, dibad bixid (halkaas oo aynu seexano hoosta xidigaha ama gudaha teendhada duurka dhexdiisa), habeeno filim, tartamo muusik, caweys iyo wax kasta oo kale oo ka dhiga deegaanka in ay noqoto mid gaar ah. Sawiro bal adiga oo kula qaata laba todobaad saaxiibadaada cusub meesha jasiiradaha, halkaas oo aad isku baran doontaa, kana wada hadli doontiin wax kusaabsan nolosha, qososhid oona la kulantid maalmaha ugu fiican xagaaga. Sidaan ka fiican manoqonayso. Waxaan ku arki doonaa xagaaga! Östergården Sannad dugsiyeedka 6-9 Tirada.caruurta 40 Hoyga Qolalka hurdada Mudada 12.6 – 23.6 12 maalmood 26.6 – 7.7 12 maalmood 10.7 – 21.7 12 maalmood 24.7 – 4.8 12 maalmood 7.8 – 18.8 12 maalmood Xiriirka: Eva Alsberg Niklas Rubin 08-508 43 900 (riix 2 si aad u wacdid deegaanka) kollo@stbd.se www.barnenso.se Qabanqaabiyaha Stiftelsen Barnens Dag Meesha/goobta Östergården waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö. Deeganku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu qubeysto. /43/ Ma jeceshahay in aad wax baddan ka ogaatid deegaanka? Adiga ma tahay waalid dhalay caruur dhigata sannad dugsiyeedka 1-9? Keen ayaga Guriga dhaqanka ee ku yaala Stockholm kadibna weydii dhammaan su'aalahaaga kusaabsan deegaan xagaaga. Waxaa jira horjoogayaal deegaan oo kujira bogga intarnetka ayaga oo la socdo shaqaale ka yimid Xarunta Xiriirka iyo Golayaasha Degmada. Haddii aad jeceshahay halkaas ayaad ka codsan kartaa ka dibna. Waxaan kugu caawin doonaa codsigaaga. Sidoo kale waxaad weydiin kartaa su'aalooyin kusaabsan hawlaha, barnaamijyada iyo wax kasta oo kale oo aad jeceshahay in aad ogaatid ee kusaabsan deegaan xagaaga! Waxaa jiri doona basas lacag la'aan ah oo dad geeya kana soo qaada meesha Kulturhuset inta lagu guda jiro maalinta, meelaha ay khasabtahay in lahelo. Isha kuhay oo kawarqab barnaamij inbaddan faah-faahsan. stockholm.se/kollo facebook.se/sommarlovochkollo Guriga dhaqanka 21 Febraayo 11:00-17:00 Sawirada ku jira boggaan waa kuwo laga soo qaadey dhacdooyinka ka dhacay deegaan xagaaga ku yaala Kista/Skärholmen gu'ga 2014. Halkaas ayaan kugu arkayaa! /44/ Halkee la aadayaa haddii aad qabtid su'aalooyin ku saabsan deegaan xagaaga: Xarunta Xiriirka Stockholm Sanduuqa boostada 6061, 164 06 Kista Ii-maylka: kollo@stockholm.se Teleefoonka: 08-508 00 508, doorashada 2. www.stockholm.se/kollo
© Copyright 2026